Afkaaga Hooyo Waa haybad alle ku siiyey.

Bissmillahi Wassallatu Wassalla Mucallaa Rasuullilahi. Assalamu.calleykum warah matullahi wabarakatu:

Madoonayo inan falan qayn ku sameeyo luqadda Af Somaliga waayo waxaay leedahay Khabiiro aqoonyahana oo Aniga xeeldheer waxaanse doonaya inan maqalkan an ku eego muhimi yada ay ledahay luqadadda hooyo iyo inay lama huraan Tahay inaad ku hadasho luqadada inaad hormariso inad ku kukal soonato waayo illahay ayaa ku siiyey waana Nibco alle ku- ku deeqay waxadna ka heli karta waxaadan Luuqad kale ka heli karayn sidaas darted waa lagama marman inan ilalino Af-keena ama luuqadeena inoo gaarkaa oo aad ka heli kartid xigmad buuxda.

Kalsooni daradda inaga haysata Luuqadeena

Luuqaddu waxay ka mid tahay Nibcooyinka illahaay ugu deeqay Bila, aadamka Waxaana jira inan luuqadi hana qaadi karayn hadii dadka ku hadlaa uusan u halgamin sidii uu u taabo gali lahaa guud ahan aduunka waxaa jira wadamo badan oo ay ka dhaxayso diintu laakiin aysan ka dhaxayn luuqadu qolo walba waxay leedahay luuqaad u gaara in kastoo ay jiraan luuqado Caalamiya ama (international) waxana xaqiiqa in Qof walba luqadu ay haybad gaara u leedahay waxaa jirta in aduunku ku Midaysan yahay Qaramada Midoobay ama (National Union).

Taas oo ay Sanad walba isugu tagaan Madaxda Caalamka waxaana laga jeediyaa Qudbaddo meeshaas Aduunku isku tago wadan walba waxaa lagu tixgaliyaa luuqadiisa Madaxwayne kaste wuxuu xaq u leyahay inuu Qudbada ku jeediyo luuqada wadankiisa Waxay taasi ku cadaynaysaa Calank-kaga iyo luuqadadu inay isku mid tahay siiba luuqadu inay tahay haybaad ku gaara waxana lagaga baahan yahay inaad ilaliso haybada luuqadada oo aad ku faantid waliba aad isku daydii inaad barto Ajaaniibta. Nasiib darose xataa madaxadeenu markii ay jogan Qaramada midoobay waxay ku hadlan luuqado kale halka madaxda Caalamka ay ku qudbadeyan luqadda dalkooda Waxana halkaas kaga cad inaynan luuqadeena ku kalsoonayn.

Waa xaqiiq in Bur-burku samayn wayn ku yeeshay dhaqankeena.

Waan huba Bur-burkii Soomaliya inuu dhaawac dhinac kasta inoo gaystay hadii ay Noqon lahayd dhaqankii fiicana uu gabo- gabo ku sii jiro hadii ay noqon lahayd luuqadeena Hooyo iyo hadii ay noqon lahayd haybadii iyo karaammadii Umada Soomaliyeed waxaase waajib inagu ah inan ku dadaalo inan ilalino dhaqankeena suuban ee ku Sallaaysan diinta islaamka iyo Luqadeena inoo gaarkaa.

Yaa hormarin kara Afkaga hooyo?

Halgamayaashii Soomaaliya ee qoray luuqadda Af Somaliga waxay ku bixiyeen dadaal dheer sidii ay u heli lahayeen luuqad u gaara Soomaalida tasoo ay ku bixiyeen Juhdi fara baddaan Allaha ka ajarsiye hadaba halgame yashas halgan koodii iyo dadalkoodii way ku guulaysteen hadaba guushaas waayo cida laga doonaayo inay ilaaliyaan ama ku dhaqanto? oo sii waynayso? Jawaabtu waa Umadda Soomaaliyeed siiba da,yarta iyo Dadka Qurba joogta ee ka soo haajiray dhulkii Hooyo kuwaas ayaa laga doonaya inay ilaaliso luuqadeena ama Af Soomaaliga hadii kale Luqad la, aan ayan ku soo dhici doona luqad adan lahayn mahan luqadada.

Yaa ku hadlla Af Soomaaliga!

Luuqadda AfSomaliga) waa hoddan waxayna hoddan ku tahay siyaabo badan oo ay uga duwan tahay luuqado badan oo aduunka ka jira hadii an in yar ka tusaalo bixiyo Af Soomaliga waxaa ku hadlaa umaad badan ka soo bilow Jabuuti. IlaaWaqoyiga Kenya Bariga Ethopia dhulka intaas le,eg Dadka dagaa waxay ku hadlaan waa luuqada Somaliga) waa guud ahaan-baa inta Soomaalidu dagto waana luuqad wayn oo mudan in lagu faano laguna fafiyo aduunka oo dhan.

Waa Hodaan Afkeenu

Afkeena Hooyo wuxuu Caan) ku yahay inuu dhan kasta hodan ka yahay waxana Markhaati ku ku filaan Luuqadeena waxay ledahay suugaan mugwayn Mahmahyo Xig madaysan oo kala Ah Geeraar) Gabayo) Heeso kala gooni –gooniya oo loogala Saaro qaybo kaladu waan mid heeso caadiya heeso u gaara Geela, ariga Lo,da iyo Caruurta marka ay dhabta Hooyadu ku hayso waxay kale oo leedahay Heeso u gaara Marka awrta lararayo waxay kale oo leedahay wax la yiraahdo Sarbeeb hadii an Tusale yar ka bixiyo sarbeebta waa halka laga Yiri (Suul dhabaale Waa hadal Hadana Waa Sir Gooniya).

Hadaba luuqadena illahay inagu manaystay inan dayacno ama an ku kal sonan wayno Miyaa? Mise waa inan ku faano oo tixgalino luuqadeena inoo gaarka Soomaalidii hore waxay dhihi jirtay ayada oo tixgalinaysa luuqaddooda Nabi allaow Ninba afkiis kuku amaan Callaysalaatu wasalaam) waxay tani ku markhaati furaysaa in wadan walab uu leyahay luuqad uu tixgaliyo kuna faano uuna ilaliyo sharafta luuqadiisa ama qurba jog ama wadankii jog hantita dhabtaa ayey ka mid yahay luuqadena hooyo waana lama huraan inan ka taxadaro baahintiisa iyo ilalintiisa.

Dardaaran gaara!

Sigaara Qurba joogta dalka ka haajirtay waxaa loo bahan yahay inay ilaliyaan afkooda qaaliga waa dhab inay malaayiin dhalin yara ku dhasheen Qurbaha ayna la qabsadeen af aysan dhalasho ahaan ka soo jeedin bal fiiri waxaad arkaysa Jinsiyadiisu Soomaali tahay Soomaali loo yaqan inuu yahay hadana an afkiisii ku hadlayn oo ka faanaya kuna hadlaya luuqad uusan lahayn oo wadan kale leyahay waa kal sooni xum taas waa inaad ku kalsoonataa luuqadada waa sax inaad wax kororsatid laakiin Soomaalidu waxay ku Mahmahda (Lama Huraan Waa Cawska Jiilal) lama huraan waa dhulkagaga iyo luuuqadda.

Sigaara Walidka Qurba jogta!

Xilgaara wuxu saran yahay Waalida Hooyada iyo Aabaha xilkaas oo ah inay ku Ababiyaan Caruurtooda luuqada hooyo oo ah Af Somali meel kasta oo aad aduunka ka joogti wad ilalin karta sharafta luuqadadda adiga oo ku baraarujinaya jiilalka qurba joogta inay leyihiin af u gaara oo ka fiican afafka aysan u dhalan ama luuqadaaha ay san u dhalan is waydiih inaad Afkaga ka heli karti dhammaan wixii aad u bahato hadii ay ahan lahayd xigmmaad qodo dheer gabayo mahmahyo shekooyin.

Ugu dabayn !!

Waxaan dhammaanteen xil inaga saran yahay inan kobcino luuqadena inoo gaarka meel kasta oo aad aduunka ka joogtid waxana u mahad celinaya khuburada isku hayshay in luuqadeena lagu daro luuqadaha ku jira Aallada Google oo lagu samayn karo Turjummaad waxana dhalin yarada Qurba jogta looga bahan yahay inay dadaal ku bixiyaan sidii ay u baran lahayeen luuqadooda hooyo.

Waa Qore

Cabdi nuur Faarax Maxamud

Email-guuleed72@hotmail.com

Leave a Reply