u1 (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal. u2 u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”. ubad Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
ubax Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.
ubaxaysad ld ubaxaysasho.
ubaxaysi ld ubaxaysasho.
ubaxayso Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso.
ubaxdhig Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ubaxley Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
ubaxoobid1 eeg ubaxow. ld ubxoobid. ubaxow Ubax dhalid (geed). ld ubxow.
ubbo 1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.
ubbo-ubax (bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
ubuc1 Uurkujir. ld oboc. ubuc2 Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada qashinsaarka iyo taranka. ubur Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur.
uburi Awr qooqan, ubur afka ka keenid. ld aburi.
uburin eeg uburi. ld aburin.
ubxaysad ld ubaxaysasho.
ubxaysasho ld ubaxaysasho.
ubxaysi ld ubaxaysasho.
ubxayso ld ubaxayso.
ubxi Ubax yeelasho (geed).
ubxin eeg ubxi. ld ubxis.
ubxis ld ubxin.
ubxoobid ld ubaxoobid.
ubxow ld ubaxow.
udaabtahays Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays.
udgi Wax caraf u yeelid. ld udgoonee.
udgid eeg udug².
page : 1 of 15
1 2 3 4 5 6 > >>