aamminnimo aammin ahaansho.
aamminsan 1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.
aamminsanaan eeg aamminsan. ld aamminsanaansho.
aamminsanaansho eeg aamminsanow; ld aamminsanaan.
aamminsanow 1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.
aamminsii Qof in uu wax aammino ka oggoleysiin.
aamminsiin eeg aamminsii.
aammus1 1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. ld aammusid. aammus2 1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho. aammusan Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).
aammusdaran Wax aan aammusaynin (cid).
aammusdarnaan eeg aammusdaran. ld aammusdarnaansho.
aammusdarnaansho ld aammusdarnaan.
aammusi Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.
aammusid eeg aammus². ld aammus¹ (3).
aammusin eeg aammusi. ld aammusis.
aammusis ld aammusin.
aammusnaan eeg aammusan. ld aammusnaansho.
aammusnaansho ld aammusnaan.
aan1 1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu. aan2 Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan imaanini waa Cali”. ld an. aanayn eeg aanee.
aanaysad ld aanaysasho.
aanaysasho eeg aanayso. ld aanaysad, aanaysi.
aanaysi 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld aanaysasho.
aanayso 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
aanee 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka”.
aannu Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.
aano Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
aar1 1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
page : 5 of 75
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>