saanqaad2 1. Ilmo yar socod billaabid. 2. Cid meel ka tegeysa socod billaabid. 3. Cid meel ay joogtay si ay uga tagto sixir ku samayn. saanqaadid eeg saanqaad². ld saan-qaad¹ (3).
saanqaaf Dedka sare ee aqalka. ld saqaf.
saanreeb 1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
saanyasho eeg saanyo. ld saanyood.
saanyid ld saamiyid.
saanyo Hanti saami ku qaybsasho. ld saanyoo.
saanyoo ld saanyo.
saanyood ld saanyasho.
saaq1 1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey. saaq2 1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid. saaqan (fiis.) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
saaqan1 Wax wareersan noqosho. saaqan2 1. Wax wareersan ahaansho. 2. Qof, wax la saaqay ahaansho. ld saaqsan. saaqid saaqid1 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey. saaqid2 eeg saaq². saaqid3 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn noqosho. 2. Qof imtaxaan ku dhicid. saaqid birlabdanabeed (fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
saaqid danab Saaqid birlabdanabeed.
saaqidad Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.
saaqidid eeg saaqid³.
saaqmid eeg saaqan¹.
saaqnaan eeg saaqan². ld saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.
saaqnaansho ld saaqnaan.
saaqniin (fiis.) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku
saaqo mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.
saaqsan ld saaqan².
saaqsanaan ld saaqnaan.
saaqsanaansho ld saaqsanaan.
saaquun 1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
page : 6 of 118
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>