tunuug eeg teneg.
tuqtuq Si tabar yar oo loo socdo.
tuqtuqlee Cid si tabar yari ku jirto u socosho.
tuqtuqleyn eeg tuqtuqlee.
tur U tur: cid u naxariisasho.
turaab Carro laga soo qaado shiikh la qaddariyo xabaashiisa si barako looga helo.
turaal Naxariis cid loo galo. ld turniimo, turniin, turniinsho.
turaanturrayn ld turunturrayn.
turaanturree ld turunturree.
turaanturro ld turunturrayn.
turaanturyayn ld turunturrayn.
turaanturyee ld turunturree.
turbi 1. Gurbaan yar. 2. T. ah: qof xoog badan.
turbid eeg turub².
turci ld tirci.
turcid ld tircid.
turcin ld tircin.
turid eeg tur.
turjubaan1 Afceliye; afhayn. ld turjumaan¹. turjubaan2 1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. ld turjumaan². turjubaanid eeg turjubaan². ld turjumaanid.
turjubaannimo Turjubaan ahaansho. ld turjumaannimo.
turjumaan1 ld turjubaan¹. turjumaan2 ld turjubaan². turjumaanid ld turjubaanid.
turjumaannimo ld turjubaannimo.
turjumad ld tarjumo.
turjuman ld tarjuman.
turjume ld tarjume.
turjumid ld tarjumid.
page : 55 of 60
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >