turuq2 Qalab af fiiqan wax ku mudid. turxaan Iin; cillad.
turxaanbixin Xumobixin, cilladbixin.
tus1 Humri kulul oo dhaca waqtiga kulaylaha; hogo. tus2 1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid. tusaal-kalgalka (kiim.) Tuse muujinaya curiyeyaasha oo u habaysan hannaan ku salaysan korodhka tirada borotonnada si loo arko xiriirka dhaqanka kiimikaad ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
tusaalayn eeg tusaalee. ld tusaalays.
tusaalays ld tusaalayn.
tusaale Matal; masal; misaal. ld tusaalo.
tusaalee 1. Cid talo u jeedin. 2. Cid wax uga digid.
tusaalo ld tusaale.
tusbax (dii.) Iniino ka samaysan kuul ama qori oo dhexda ka daloola o dhuun iskula taxan oo lagu werdiyo.
tusid eeg tus².
tusmayn eeg tusmee.
tusmaysan Wax la tusmeeyay ahaansho.
tusmaysnaan eeg tusmaysan. ld tusmaysnaansho.
tusmaysnaansho ld tusmaysnaan.
tusmee 1. Wax tusmo u yeelid. 2. Buug tusmo u samayn.
tusmo 1. Hab reer miyigu u dego meel cusub. 2. Calaamad la dhigo meel la degi rabo. 3. Taxanaha cinwaanada buug.
tuu Juu!. ld tu'(2).
tuubbo Qalab dhuuban oo dhexda ka daloola oo dareeraha,hawada iwm ay maraan.
tuud Heen.
tuudi 1. Hal la rabo in la ogaado in ay rimantahay foori ugu yeerid. 2. Laf heen ka bixin.
tuudin eeg tuudi. ld tuudis.
tuudis ld tuudin.
tuudsasho eeg tuudso. ld tuudsi.
tuudsi ld tuudsasho.
tuudso Lafo iwm tuud kala bixid.
tuug1 (tuug, m.dh) Nin wax xadid caadaystay. tuug2 Wax baryo lagu keenay.
page : 57 of 60
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >