qaaqan Fariisasho dab agtiisa si loogu diirsado.
qaaqle 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
qaaqlee Hadal aan macno lahayn sheegid.
qaaqleyn eeg qaaqlee.
qaar1 1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg. qaar2 1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld qaaraami 1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. ld qaraami.
qaaraamid eeg qaaraan².
qaaraan1 Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo. qaaraan2 U q.: xoolo dad badan ka ururin si qof u baahan loo siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah loogu fuliyo. qaarad Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
qaarayn eeg qaaree.
qaarbuuco ld qaarbuuxo.
qaarbuuxo Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. ld qaarbuuco.
qaardheere Dhicis xoolaad oo nool.
qaare ld qaar².
qaare qaar3 Ubax, caleen iwm dhadid. qaaree Nafley ul weyn ku garaacid.
qaarid eeg qaar³. ld qaaris.
qaaris ld qaarid.
qaarjeex Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
qaarood Deyd.
qaarqaad1 Dhinaca oo dhulka la dhigi waayo xanuun awgi; xaraarug. qaarqaad2 Xanuun awgii dhinaca dhulka dhigi waayid; xaraarugid. qaarqaadid eeg qaarqaad².
qaarqaaqan Q. ah: geed aan hoos badan lahayn.
qaarri Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.
qaarrin eeg qaarri. ld qaarris.
qaarris ld qaarrin.
qaarsan Wax qaaray ahaansho.
page : 7 of 86
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>