Ereyga Maanta: giraan
wacadqabe Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.
wacal (1) Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.
wacal (2) Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².
wacalnimo Wacal ahaansho.
wacan 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax).
wacanri ld wacaari.
wacays Samaan; wanaag.
wacdaro Wax la yaab leh.
wacdi (1) Waano; hanuunis.
wacdi (2) Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin.
wacdin ld wacdiyid.
wacdiyid eeg wacdi². ld wacdin.
wacnaan eeg wacan. ld wacnaansho.
wacnaansho ld wacnaan.
wacyi Heerka fahamka nolosha bulshada.
wacyigelin Heerka fahamka nolosha bulshada kor u qaadid, khordin.
wad (1) 1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.
wad (2) ld wed¹.
wada 1. Qurub tilmaamaya wax isla samayn. Tus. “Aan w. hadalno waa aan heshiinno”. 2. Qurub tilmaamaya in aan wax wax ka maqnayn. Tus. “Waa w. yimaadeen”; “Wargeysyada w. qaado!”.
wada noolaansho Isdhex gal ka dhex dhaca laba xayawaan ama laba sinji oo geedo ah, kuwaas oo wada nool, oo mid kamid ahi isdhex galkooda ka faaidaysanayo, ka kalena wax dhibaato ahi ka soo gaadhayn.
wadaad Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.
wadaaddee Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.
wadaaddeyn eeg wadaaddee.
wadaadnimo Wadaad ahaansho.
wadaag (1) Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaag (2) La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.
wadaage 1. Wax wareegsan sida garangarta, gadawga iwm meesha kala barta. 2. Meesha waxyaalo badan oo isku xirani isugu yimaadaan ama iska haystaan. 3. Meesha dhudaha caynaanku isaga yimaadaan (heense).
wadaagid eeg wadaag².
wadaaji 1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
wadaajin eeg wadaaji.
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>