orgeysnaansho ld orgeysnaan.
orgi Laboodka aricadka.
orgobbe 1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.
orgoo Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.
orgood eeg orgoo.
orgoodqab Sac ama ri'wax la booday noqosho.
orgoodqabid eeg orgoodqab.
orgootay ld orgootow.
orgootow Neef dheddig oo marar badan inta orgootay aan rimin. ld orgootay.
ori 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. ld orri.
orin eeg ori. ld oris, orrin, orris.
oris ld orin.
ormayn eeg ormee.
ormaysii Wax meel isugu soo uruurin.
ormaysiin eeg ormaysii.
ormee Ormo sameyn.
ormo Koox. ld hormo.
orod1 Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor. orod2 Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid. orodsii Wax inuu ordo ku kellifid. ld ordisii.
orodsiin eeg orodsii. ld ordisiin, ordisiis, orodsiis.
orodsiis ld orodsiin.
oroh ld oraah.
oroob1 Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba. oroob2 Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil. orrax ld qorrax.
orraxayn ld qorraxayn.
orraxaysad ld qorraxaysasho.
orraxaysan ld qorraxaysan.
orraxaysi ld qorraxaysasho.
page : 9 of 10
<< < 4 5 6 7 8 9 10 >