cuskad ld cuskasho.
cuskan Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
cuskanaan eeg cuskan. ld cuskanaansho.
cuskanaansho ld cuskanaan.
cuskasho eeg cusko. ld cuskad.
cuski Wax, wax kale ku tiirin.
cuskin eeg cuski.
cusko 1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
cuskug1 1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. ld cuskugid. cuskug2 Meel, hawl la'aan fadhiyid. cuskugid eeg cuskug². ld cuskug¹ (2).
cuslaan eeg culus. ld culays, cuslaansho.
cuslaansho eeg cuslow. ld cuslaan.
cuslayn eeg cuslee.
cuslaysasho eeg cuslayso.
cuslayso Hawl, arrin iwm wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
cuslee 1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.
cuslow 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.
cusub 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
cutad Harag ama saan isku jactadsan.
cuti1 ld cutush. cuti2 ld cuddi. cutin ld cuddin.
cutis ld cuddin.
cutub ld cuntub.
cutush Qof tabar dhigay da'awgeed. ld cuti¹, xutush.
cuud1 1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood. cuud2 Ciyaar cuud dheelid. cuudi 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.
cuudid eeg cuud².
page : 94 of 95
<< < 89 90 91 92 93 94 95 >