caacin eeg caaci.
caad1 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata. caad2 Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya. caad3 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican. caadaqaatannimo Caadaqaate ahaan-sho.
caadaqaate 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
caadaysad ld caadaysasho.
caadaysasho eeg caadayso. ld caadaysad, caadaysi.
caadaysi ld caadaysasho.
caadayso Wax caado ka dhigasho.
caadbax1 ld caadbixid. caadbax2 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho. caadbixid eeg caadbax². ld caadbax¹.
caaddifad ld caaddifo.
caaddifi 1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.
caaddifo Dareen u nuglaansho waxa qof ku dhaca ama uu sameeyo. ld caaddifad.
caaddil Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.
caaddilnimo Caaddil ahaansho.
caadgoror Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah; shuux.
caadi C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
caadinnimo1 Caadi ahaansho (wax). caadinnimo2 Tirada garaam-isudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah. caadiyaal ld caadyaal.
caadla'aan 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
caado 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
caado wareer Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
caado-immaansho Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
caado-raacnimo Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.
caadoxanuun Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
caadyaal C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal.
page : 2 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>