qaabnaansho ld qaabnaan.
qaabsamaan eeg qaabsan¹. ld qaabsamaansho, qaabsami (2).
qaabsamaansho ld qaabsamaan.
qaabsami Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. ld qaabsamaan, qaabsamo.
qaabsamo ld qaabsami.
qaabsan1 Wax qaab wanaagsan leh noqosho. qaabsan2 Wax qaab leh ahaansho. qaabsanaan eeg qaabsan². ld qaabsanaansho.
qaabsanaansho ld qaabsanaan.
qaabuuli 1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.
qaabxumaan eeg qaabxun. ld qaabxumaansho.
qaabxumaansho ld qaabxumaan.
qaabxumi ld qaabxumo.
qaabxumo Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.
qaabxun Wax aan qaab wanaagsaneyn ahaansho.
qaac1 Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹. qaac2 Wax gubanaayo qaac bixin. ld qiic², qiiq², qiiqaab². qaaci 1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.
qaacid eeg qaac². ld qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
qaacido 1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.
qaacin eeg qaaci.
qaad1 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”. qaad2 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid. qaadaadhig1 ld qaadaadhigid. qaadaadhig2 Arrin si dhab ah u faaleyn. qaadaadhigid eeg qaadaadhig². ld qaadaadhig¹.
qaadasho eeg qaado.
qaaddac 1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
qaaddacaad Go'aan wax lagu diido.
qaaddan Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
page : 2 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>