Ereyga Maanta: boolicun
udgin eeg udgi. ld udgoonayn.
udgoon (1) 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon (2) Wax ur la jecleysto leh ahaansho.
udgoonaan eeg udgoon². ld udgoonaansho.
udgoonaansho ld udgoonaan.
udgoonayn ld udgin.
udgoonee ld udgi.
udgoonsad ld udgoonsasho.
udgoonsasho eeg udgoonso. ld udgoonsad.
udgoonso Udgoon isku shubid.
udo 1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.
udub 1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
udubcad Qoys markaas aqal galay.
udubdhexaad Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
udubxoog Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.
udug (1) 1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo.
udug (2) Wax caraf la jeclaysto yeelasho.
udullub (1) Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso.
udullub (2) Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.
udullubi Nafley jirran si tartiib ah u wadid.
udullubid eeg udullubĀ².
udullubin eeg udullubi. ld udullubis.
udullubis ld udullubin.
uduuf Gufar; qashin.
uduufaa 1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
uduufo Wax kasta intiisa liidata.
uf (1) Faddare; qurun.
uf (2) Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo.
ufaayow Cudur raagay.
ufo Dabaysha roobka ka soo horreysa.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 > >>