qabweynaan eeg qabweyn. ld qabweynaansho, qabweyni.
qabweynaansho ld qabweynaan.
qabweyni Dabeecad isla weyni kibir leh oo qof yeesho. ld qabweynaan.
qabxad Naag sharmuuto ah. ld qabxo, qaxbad, qaxbo.
qabxo ld qabxad.
qabyaalad Nidaam siyaasadeed oo ku salaysan dhaqanka qabiilka; kala qaybinta ummad loo kala qaybiyo qoloqolo.
qabyaaladayn eeg qabyaaladee.
qabyaaladee Nidaam qabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho.
qabyo Q. ah: wax aan dhammeystirneyn.
qabyoobid eeg qabyow.
qabyow Wax qabyo ah noqosho.
qac Erey tilmaama shanqar sida shanqarta wax jabay ama labo shay laysku dhuftay ay soo saaraana.
qacqac Erey tilmaama qababac, jiririq ama liiqliiqasho.
qad1 Labaq., saddexq. iwm: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iwm. qad2 1. Wax la qaybsanayey wax ka waayid. 2. Cuntocunid la'aan. qadaad1 Madaxa docdiisa dambe; jeego. qadaad2 Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin. qadaadan Koor wax la qadaaday ahaansho.
qadaadid eeg qadaad².
qadaadnaan eeg qadaadan. ld qadaadnaansho.
qadaadnaansho ld qadaadnaan.
qadaf1 Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo. qadaf2 Aflagaaddo weyn oo qof sharaftiisa lagu dhaawacayo u jeedin. qadan 1. Nasiib; ayaan. 2. Q. ah: qof xoog iyo laf leh.
qadaysii Cid qado siin.
qadaysiin eeg qadaysii.
qaddac1 1. Weel yar oo subagga iyo saliidda iwm lagu cabbiro. 2. Wax muuqda ama fudud oo malaha lagu garan karo; wax muuqda, wax cad. 3. ld qaddicid. qaddac2 1. Wax goyn. 2. Ka q.: qof saad kala goyn. qaddacan 1. Wax la gooyay ahaansho. 2. Ka q.: wax la'ahaansho; qof saad lagala gooyay ahaansho.
qaddacnaan eeg qaddacan. ld qaddacnaansho.
page : 13 of 86
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>