xalaalaysad ld xalaalaysasho.
xalaalaysasho eeg xalaalayso. ld xalaa-laysad.
xalaalayso 1. Wax aan xalaal ahayn xalaal ka dhigasho. 2. Hanti dad kale leeyahay isasiin.
xalaalee Wax xalaal ka dhigid.
xalaalquute 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
xalaawi Macmacaan.
xaladhaley X. ah: qof dembi, eed iwm ka barii' ah. ld xalaydhaley.
xalan Wax la xalay ahaansho.
xalay Habeennadii la soo dhaafay, kan ugu dambeeyay. ld xalayto.
xalaydhaley ld xaladhaley.
xalayto ld xalay.
xalfoof 1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.
xalid eeg xal².
xaliib Cudur ku dhaca labada arooriye ee dhiigga qaada oo carrabka hoostiisa ah.
xaliiban Caano dhay ah oo xoortii ka dhacday.
xaliilad Magac la siiyo gabyaa ku xeeldheer curinta maansada.
xallaafato Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.
xallad Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
xalladee Hadal dux iyo xiiso u yeelid.
xalladeyn eeg xalladee.
xalleef X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
xalleefato Qalab ka kooban ul iyo bir godan oo labada dhanba af ku leh oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro.
xalleefi Xalleef ka dhigid (wax).
xalleefin eeg xalleefi.
xalleefsan Wax xalleef laga dhigay ahaansho.
xalleefsanaan eeg xalleefsan. ld xalleef-sanaansho.
xalleefsanaansho ld xalleefsanaan.
xalli1 Maaro. xalli2 Mushkilo ama mas'alo xal u helid. xalli3 Nafley ama dad si saf ballaaran ah u socosho.
page : 14 of 60
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>