baaddil Wax aan xaq ahayn.
baaddilnimo Baaddil ahaansho.
baaddiye Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.
baaderi ld baadari.
baadi 1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.
baadibixiye Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
baadibooliye Qof baadida xalaaleysta.
baadicarar Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
baadid (1) eeg baad².
baadid (2) eeg baad².
baadiddoon (1) 1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid.
baadiddoon (2) 1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob².
baadiddoonid baadiddoonid m.f.dh eeg baadiddoon². ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baad
baadiddoonis ld baadiddoonid.
baadifad Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. ld baadifur.
baadifur ld baadifad.
baadiggef (1) Waayidda la waayo baadi la raadiyey. ld baadiggefid.
baadiggef (2) Baadi la raadiyey waayid.
baadiggefid m.f.dh eeg baadiggef². ld baadiggef¹.
baadiggoob (1) ld baadiddoonid.
baadiggoob (2) ld baadiddoon².
baadiggoobid ld baadiddoonid.
baadiggoobis ld baadiddoonid.
baadinnimo Baadi ahaansho.
baadiqaris Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
baadisooc (1) Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc (2) Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
baadisoocid eeg baadisooc².
baadiyayn eeg baadiyee.
baadiyaysan 1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>