Ereyga Maanta: caynaano
haasaawe 1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.
haasaawee 1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi.
haasaawi ld haasaawee.
haasaawid eeg haasow². ld haasow¹.
haasaawin ld haasaaweyn.
haash 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. ld qaash.
haashaar Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi.
haasow (1) ld haasaawid.
haasow (2) La h.: haasaawe samayn.
haatan Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
haati ld haadi.
haatif Wax hadalkooda la maqlo oo aan muuqan. ld haatuf.
haatin ld haadin.
haatuf ld haatif.
haaw (1) Firo, biddo.
haaw (2) Ciid bidid.
haawad ld haawasho.
haawasho eeg haawo. ld haawad.
haawey Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
haawi Weel af bannaan dabayl u dhigid.
haawid eeg haaw².
haawilood Uurjiifka libaax badeedka.
haawin eeg haawi. ld haawis.
haawis 1. Hardaf dheer. 2. ld haawin.
haawiya Naar ka mid ah toddobada naarood.
haawo 1. Weel af bannaan dabayl qaadasho. 2. Si qarsoodi la'aan ah wax u sheegid.
haayid Nooc kalluunka ka mid ah.
haayir (1) 1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid.
haayir (2) ld haajir².
haayirid ld haajirid.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>