Ereyga Maanta: hirqad
a  (a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
aa1  ld baa. aa2  1. ld Aad. 2. ld aydin. aa3  Cod lagu muujiyo xanuunka. aa'  1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
aa'id  eeg aa'.
aabayeel1  Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeel2  U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin. aabayeelid  eeg aabayeel². ld aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
aabayn  eeg aabee.
aabbannimo   Aabbe ahaansho.
aabbayaal   1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal
aabbe  1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe.
aabbo  eeg aabbe. ld aabo.
aabbur1  Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro. aabbur2  Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid. aabburan1  Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”. aabburan2  Dhiil, haan iwm wax la aabburay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburanyahay”. aabburid  eeg aabbur
aabburmid  eeg aabburan
aabburnaan  eeg aabburan.
aabburnaansho  eeg aabburnaan
aabe  eeg aabbe.
aabee  1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.
aabeyeelid  eeg aabayeelid
aabi  Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
aabiweyrax  Sabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.
aabo  Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aabonimo  Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
aabyoo  Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
page : 1 of 75
1 2 3 4 5 6 > >>