Ereyga Maanta: qawadid
edbi  1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.
edbin  eeg edbi.
edeb  Asluub iyo anshax wanaagsan.
edebdaran  Wax anshax iyo asluub xun ahaansho.
edebdarnaan  eeg edebdaran. ld edebdarnaansho, edebdarro.
edebdarnaansho  ld edebdarnaan.
edebdarri  ld edebdarro (1).
edebdarro  1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan.
edebdarroo  Ka e.: anshax xun ku kicid.
edebdarrood  eeg edebdarroo.
edebsami  Anshax ama asluub wanaagsan oo cidi ku sifowdo. ld edebsamo.
edebsamo  ld edebsami.
edebsan  Wax anshax fiican ahaansho (qof).
edebsanaan  eeg edebsan. ld edeb- sanaansho.
edebsanaansho  ld edebsanaan.
edebsasho  eeg edebso.
edebso  Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.
edebyeelasho  eeg edebyeelo.
edebyeelo  Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.
edeg1  1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon. edeg2  Maqal xoolaad xero yar gelin. edegkudhufaan  Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan.
edegshoomo  Edeg dagiiranka lagu ugaarsado.
edgid  eeg edeg².
ee1  1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. ee2  Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa. eebasho  eeg eebo².
eebbe  Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne.
eebo1  1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo. eebo2  Magangelid (qof).
page : 2 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>