Ereyga Maanta: qawadid
eed1  1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi. eed2  Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid. eedaad1  1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran. eedaad2  1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid. eedaadid  eeg eedaad².
eedaamid  ld aadaamid.
eedaan1  ld aadaamid. eedaan2  ld aadaan². eedaq  Caano garoor ah.
eedayn  eeg eedee. ld eedays.
eedays  ld eedayn.
eedaysan  Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.
eedaysane  Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.
eedaysasho  eeg eedayso. ld eedaysi.
eedaysi  ld eedaysasho
eedaysnaan  eeg eedaysan. ld eedaysnaansho.
eedaysnaansho  ld eedaysnaan.
eedayso  Eed isu jeedin.
eedbax1  E. ah: wax uu isku daafaco qof eed lo haysto. eedbax2  Cid eed loo haystay iska daaficid. eedbixid  eeg eedbax².
eeddo  1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
eedee  Cid eed u jeedin.
eedid  eeg eed². ld eedis.
eedis  ld eedid.
eedoobid  eeg eedow.
eedow  Eed gelid.
eedqaad  1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. ld eedqaadid.
eedqaadid  Xumaan la falay eeddeeda qaadid. ld eedqaad (2), eedqaadis.
eedqaadis  ld eedqaadid.
page : 3 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>