faajafajood eeg faajafaajoo.
faajeer Nin bakhayl ah oo aan xilkas ahayn.
faajir Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
faajirad Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.
faajirnimo Faajir ahaansho.
faakharad Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.
faakihaysad ld faakihaysasho.
faakihaysasho eeg faakihayso. ld faakihaysad, faakihaysi.
faakihaysi ld faakihaysasho.
faakihayso Raaxo waqti isku dhaafin.
faal Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
faalal1 1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalal2 1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid. faalalid eeg faalal². ld faalal¹ (3).
faalallow 1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow.
faalan ld falan².
faalaxgooddi1 ld falaxgooddiyid. faalaxgooddi2 ld falaxgooddi². faalaxgooddin ld falaxgooddiyid.
faalaxgooddis ld falaxgooddiyid.
faalaxgooddiyid ld falaxgooddiyid.
faali Faal dhigid.
faalig 1. Si aan nidaamsanayn wax u feteshid. 2. Si aan nidaamsanayn wax u cunid. ld faalug.
faaligid eeg faalig. ld faalugid.
faalij eeg Xubnaqalal.
faalikad Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
faalin eeg faali. ld faalis.
faalis ld faalin.
faaliye Faallalow.
faallayn eeg faallee.
page : 3 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>