Ereyga Maanta: hirqad
h  (ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.
ha  Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.
ha'ahaatee  ld hayeeshee.
haa  ld haah.
haabad  ld haabasho.
haabasho  eeg haabo. ld haabad.
haabo  Wax in yar durugsan gacan ku laacid.
haaco  Qof aad u garaad yar; qof macangag ah.
haacoonimo  Haaco ahaansho (qof).
haad  Baylah, goldaloolo.
haad1  1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca. haad2  Nafleyda inta duusha oo baalka leh. haad3  1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”. haad-haad1  Fudfudayd xagga dabeecadda ah. haad-haad2  Fudfudayd muujin. haad-haadid  eeg haad-haad².
haad-ka-adag  Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
haad-kacarar  H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor.
haad-karoor  ld haad-kacarar.
haadaan  1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
haadahaade  Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
haadey  Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey.
haadi  1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati.
haadid  eeg haad³. ld haadis².
haadin  eeg haadi. ld haadis¹, haatin.
haadis1  ld haadin. haadis2  ld haadid. haadsasho  eeg haadso.
haadso  Cid dhibaato haysata darteed uga faa'i ideysasho.
haadso1  Badar buunsho ka saarasho.
page : 1 of 93
1 2 3 4 5 6 > >>