Ereyga Maanta: hirqad
i1  (i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida. i2  Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo. ib  1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.
ibadaboole  Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo.
ibadaboolo  ld ibadaboole.
ibagorayee  Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.
ibagorayeyn  eeg ibagorayee.x
ibagorayeysan  Wax la ibagorayeeyey ahaansho (hal irmaan).
ibagorayeysnaan  eeg ibagorayeysan. ld ibagorayeysnaansho.
ibagorayeysnaansho  ld ibagorayeys-naan.
ibagorayo  Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
ibagujee  Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
ibagujeyn  eeg ibagujee.
ibagujo  Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
ibagurayo  Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
ibaguryee  Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
ibaguryeyn  eeg ibaguryee.
ibaguryeysan  Wax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).
ibaguryeysnaan  eeg ibaguryeysan. ld ibaguryeysnaansho.
ibaguryeysnaansho  ld ibaguryeysnaan.
ibajiiqo  Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska
ibajitaysan  Wax ibajito hayso ahaansho (neef geel ah).
ibajitaysnaan  eeg ibajitaysan. ld ibajitaysnaansho.
ibajitaysnaansho  ld ibajitaysnaan.
ibajito  Ibadaboole.
ibajitoobid  eeg ibajitow
ibajitow  Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.
ibalaroor  Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor.
iballaroor  ld ibalaroor.
ibamar1  Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo.
page : 1 of 43
1 2 3 4 5 6 > >>