Ereyga Maanta: hirqad
j  (ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
jaa'ifee  1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.
jaa'ifeyn  eeg jaa'ifee.
jaa'ifo  1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
jaa'ir  Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
jaabajaabee  ld jaabee.
jaabajaabeyn  1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. ld jaabeyn.
jaabajaabeys  ld jaabeyn.
jaabajaabeysad  ld jaabeysasho.
jaabajaabeysasho  ld jaabeysasho.
jaabajaabeysi  ld jaabeysasho.
jaabajaabeyso  ld jaabeyso.
jaabajaabo  1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
jaabbiyad  Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
jaabee  1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee.
jaabeyn  eeg jaabee. ld jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
jaabeys  ld jaabeyn.
jaabeysad  ld jaabeysasho.
jaabeysasho  ld jaabajaabeysad, jaabajaabeysasho, jaabajaabeysi.
jaabeysi  ld jaabeysasho.
jaabeyso  Jaabo urursasho. ld jaabajaabeyso.
jaabo  1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo.
jaad1  1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan. jaad2  1. Qaad cunid. 2. Ku jaad: cid shaqo u xilsaarid. jaademid  eeg jadeen².
jaadid  eeg jaad².
jaafi  1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
jaah  1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).
jaahid  Qof diinta islaamka u dagaallama.
jaahil  1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab
page : 1 of 53
1 2 3 4 5 6 > >>