Ereyga Maanta: maneysi
jalafsad  ld jalafsasho.
jalafsasho  eeg jalafso. ld jalafsad, jalafsi.
jalafsi  ld jalafsasho.
jalafso  Aayar socosho.
jalammad  Weel macdan, dhoob iwm ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
jalanqo  Jir qurux iyo jiljileec isku darsaday.
jalaq  1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
jalaqle  Socod dhibaato leh oo lagu kala haro.
jalaqley  Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
jalaqsan  Qof xubno dabacsan oo qurxoon ahaansho.
jalaqsanaan  eeg jalaqsan. ld jalaqsanaansho.
jalaqsanaansho  ld jalaqsanaan.
jalasho  eeg jalo.
jalaw1  Miraha digirta, yicibta iwm oo geedka ku qallalay. jalaw2  Miro digir, loos iwm qallalid. jalawsan  Miro digir, loos iwm wax qallalay ahaansho.
jalawsanaan  eeg jalawsan. ld jalawsanaansho.
jalawsanaansho  ld jalawsanaan.
jalayn  ld jalaysiin.
jalaysii  Cid jala'ka yeersiin. ld jalee.
jalaysiin  eeg jalaysii. ld jalayn, jalaysiis.
jalaysiis  ld jalaysiin.
jalbaysan  ld jidbaysan.
jalbaysnaan  ld jidbaysnaan.
jalbaysnaansho  ld jidbaysnaan.
jalbeeb1  Hoosgalbeed. jalbeeb2  Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe. jalbeebad  ld jalbeebsasho.
jalbeebasho  eeg jalbeebo. ld jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
jalbeebi  Goor galab ah cid haasaawin.
page : 11 of 53
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>