Ereyga Maanta: qawadid
laamayn  eeg laamee.
laambad  1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.
laamee  1. Geed laamo yeelasho. 2. Ilmo laan yar la dhicid.
laami1  Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iwm oo lagu sameeyo waddooyinka. laami2  Badar karsamaya walaaqid. laamin  eeg laami².
laan1  1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”. laan2  1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo. laancaddaad  Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
laancigaaleed  Qalab waayihii hore lagu dagaalami jirey oo inta dhagax la geliyo laga tuuro.
laandeyr  Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.
laandheer  L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.
laandheeraan  eeg laandheer. ld laandheeraansho, laandheeri.
laandheeraansho  ld laandheeraan.
laandheere  1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
laandheeri  ld laandheeraan.
laandhici  Ugaar dabin loo dhigayo geed qoyan u dhigid.
laandhicin  eeg laandhici. ld laandhicis.
laandhicis  ld laandhicin.
laangare  Qof lug la' ama ka dhuntinaya; jiis. ld laangarre.
laangarre  ld laangare.
laangoo  Laan gooyo samayn.
laangooyn  eeg laangoo. ld laangooyo (1).
laangooyo  1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
laanqayr  Astaan istilaab ah.
laaq1  1. Wax isku qasan. 2. Cod dad oo meel dheer laga maqlo. laaq2  Wax isku qasid. laaqi  Luuqayn.
laaqid  eeg laaq².
laaqin  eeg laaqi. ld laaqis.
page : 6 of 46
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>