Ereyga Maanta: qawadid
laacdan1  1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. ld laactan¹. laacdan2  1. Geel da' yar bardoodamid. 2. Dad fara ka ciyaarid. ld laactan². laace  (xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).
laacib  Qof ciyaar aad u yaqaan; xariif; xarfaan; .
laacid  eeg laac².
laactamid  ld laacdamid.
laactan1  ld laacdan¹. laactan2  ld laacdan². laad1  Lugta oo horay wax loogu dhufto; haraati. laad2  Lugta horay wax ugu haraatiyid. laadadyo  Laqanyo, wadnabaab.
laadadyoo  ld Laqanyoo.
laadadyood  eeg laadadyoo.
laadasho  eeg laado.
laadid  eeg laad².
laado  Kubbad darbaysasho (cid).
laaf1  (jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa. laaf2  Ka l.: qof aan ka dhergin galmada qof kale. laafid  eeg laaf².
laafyo  Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
laafyoo  Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
laafyood  eeg laafyoo.
laag1  1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah. laag2  1. (juqr.) Togagga iyo webiyadu meesha ay badda uga darmaan. 2. (bot.) Geedku meesha uu labada qaybood uga kala baxo; labalaako. ld lag (4). laag3  (juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah. laagfaaf  (juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
laagwebi  (juqr.) Laan ama farac ku darmaya mid kale oo ka weyn oo webi.
laahi  Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.
laahinnimo  Laahi ahaansho.
laaji  Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
page : 3 of 46
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>