laballegdeyn eeg laballegdee.
laballis1 1. ld laballisid. Lisidda neef irmaan laba qof mar wada lisaan. 2. L. ah: caano laba caanamaal oo laysku daray ah. laballis2 Laba qof si xoog iyo dhaqso leh neef irmaan u lisid. laballisid eeg laballis². ld laballis¹ (1).
laballixaadsad ld laballixaadsasho.
laballixaadsasho eeg laballixaadso. ld laballixaadsad, laballixaadsi.
laballixaadsi ld laballixaadsasho.
laballixaadso Xoog u socosho.
laballugood 1. L. ah: qof socoto ah oo aan gaadiid fuushanayn ee lug ku socda xoolana wadan. 2. Xarig labadhudood isugu soohan.
labammidigle Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
laban1 Wax isku qasmay noqosho. laban2 Wax isku qasmay ahaansho. labanlaab1 ld laballaab¹. labanlaab2 ld laballaab². labanlaaban1 ld laballaaban¹. labanlaaban2 ld laballaaban². labanlaabid ld laballaabid.
labanlaabmid ld laballaabmid.
labanlaabnaan ld laballaabnaan.
labanlaabnaansho ld laballaabnaan.
labaqalbacle (c.nafl.) Miro laba beer leh.
labaqayd Maro laba qayd ka kooban.
labaraafle Xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay laba raaf sida biciidka, lo'da, ariga, deerada iwm.
labasaab (fiis.) Nooc toobineed oo leh xoodbeeg ka weyn hal, ama waa xood furan oo leh laba laamood iyo laba dhibcood ee wanqareed. Habdhiska kullannada kaartis, isle'egla beegaalka ah ee labasaab waa: x2 - y2 = 1. ld labosaab.
labasho eeg labo². ld labad.
labashub1 1. ld labashubid. Ka soo saaridda laba qof ay si darandoori ah ceel biyo uga soo saaraan. 2. L. ah: ceel biyo badan, gaaban oo laba qof ay shubi karaan. labashub2 Laba qof ceel biyo kaga soo saarid. labashubid eeg labashub². ld labashub¹ (1).
labatarre ld labafarrarle.
labaxiddigle Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
page : 12 of 46
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>