Ereyga Maanta: gurguurto
lacnadeysnaansho  ld nacaladeysnaan.
lacnadid  ld nacaladid.
lad  1. Isku l.: wax xil iska saari waayid. 2. Ku l.: wax ku raaxaysasho. ld led.
ladaab1  Legga xoolaha. ladaab2  1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba. ladaabad  ld ladaabasho.
ladaabasho  eeg ladaabo. ld ladaabad.
ladaabi  Xoolo maalin walba waraabin.
ladaabin  eeg ladaabi. ld ladaabis.
ladaabis  ld ladaabin.
ladaabo  Xoolo maalin walba biyo cabbid.
ladaadyo  Laqanyo.
ladaadyoo  Laqanyo dareemid.
ladaadyood  eeg ladaadyoo.
ladan  1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
ladhac  Ka helid.
ladhicid  eeg ladhac.
ladid  eeg lad. ld ledid.
ladnaan  eeg ladan. ld ladnaansho.
ladnaansho  ld ladnaan.
ladnayn  eeg ladnee.
ladnaysii  1. Wax fayow ka dhigid. 2. Wax barwaaqaysan ka dhigid.
ladnaysiin  eeg ladnaysii.
ladnee  1. Eebbe, cid wax ladan ka dhigid. 2. Eebbe, cid maal badan siin.
ladqabayn  eeg ladqabee. ld ladabays.
ladqabays  ld ladqabayn.
ladqabee  1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.
ladqabo  1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. ld laqdabo.
laf  1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.
laf-arax  (c.nafl.) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
page : 16 of 46
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>