laaqis ld laaqin.
laarri Qof dhib badan.
laarrinnimo Laarri ahaansho.
laas1 Ceel yar. laas2 (juqr.) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah. laasad ld laysasho.
laasasho ld laysasho.
laashin1 Qof maansada tiriya. laashin2 Laba laamood oo mataano ah middood. laashinnimo Laashin ahaansho.
laasim1 Wax joogto ah. laasim2 Lamahuraan ah. ld laasin². laasimasho eeg laasimo.
laasimid eeg laasin³.
laasimo 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
laasin1 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laasin2 ld laasim². laasin3 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa. laaso ld layso.
laastiko Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.
laatiin Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
laaxig Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
laaxin Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
laayaan L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
laayac1 1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹. laayac2 Wax baylihid. ld layac². laayacan1 Wax aan la ilaalinayn noqosho. ld layacan¹. laayacan2 Wax la layacay ahaansho. ld layacan². laayacmid eeg laayacan¹. ld layacmid.
laayacnaan eeg laayacan². ld laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
page : 7 of 46
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>