labakaclayn eeg labakaclee. ld labakacle.
labakacle 1. Iyadoo la ordayo oo marba lug lagu boodo. 2. Orod, socod, hawl iwm oo dardar cusub lagu kordhiyo. ld labakaclayn.
labakaclee Labakacle samayn.
labakelyood L. ah: qof dhiiran.
labaleexad ld laballeexad.
labalegdeyn eeg laballegdee.
laballaab1 1. L. ah: tiro lagu daray tiro la eg. 2. Wax lagu xoojiyay wax la mid ah. ld laballaabid, labanlaab¹. laballaab2 1. Tiro, tiro la eg ku darid. 2. Wax, wax la mid ah ku xoojin. ld labanlaab². laballaaban1 Wax la labanlaabay noqosho. ld labanlaaban¹. laballaaban2 Wax la labanlaabay ahaansho. ld labanlaaban². laballaabayn eeg laballaabee. ld laballaabays.
laballaabays ld laballaabayn.
laballaabee Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid.
laballaabid eeg laballaab². ld labalaab¹, labanlaabid.
laballaabmid eeg laballaaban¹. ld labanlaabmid.
laballaabnaan eeg laballaaban². ld laballaabnaansho, labanlaabnaan, labanlaabnaansho.
laballaabnaansho ld laballaabnaan.
laballaaboobid eeg laballaabow². ld laballaabow¹.
laballaabooti 1. Laballaabee. 2. Qof jirro, caro iwm la cagajiidid.
laballaabootin eeg laballaabooti. ld laballaabootis.
laballaabootis ld laballaabootin.
laballaabow1 Kala doorashawaayidda qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayo. ld laballaaboobid. laballaabow2 Qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayid. laballabee Laba arrin oo gudboon kala dooran waayid.
laballabeyn eeg laballabee.
laballabo1 1. Wax laballabo isugu lammaan. 2. Laba arrimood oo gudboon oo la kala dooran waayo. laballabo2 Tirooyin badan oo middiiba labo ka koobantahay. laballafood L. ah: qof dheer oo laf weyn.
laballeexad Socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. ld labaleexad.
laballegdee Gogol korkeed ama meel kala isku rogrogid.
page : 11 of 46
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>