Ereyga Maanta: hirqad
o  (o') Xarafka shan iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.
obiyum  Dawo laga miiro geedka la yiraahdo “poppy papaver somniferum” oo xanuun bi'is ah hurdana keenta maadama ay morfiin ku jirto.
oboc  eeg ubuc.
oday  1. Nin da' weyn; duq;waayeel. 2. Nin waxgarad ah ama xil qaadi kara, mas'uul; xilkas.
odayee  1. (f.g) Geel la lisayo caanihiisa qeybin. 2. (f.mg) Ka o.:hawl, arrin iwm si xilkasnimo leh u dhexgelid.
odayeyn  eeg odayee
odaynnimo  Oday ahaansho. ld odaytinnimo.
odayoobid  eeg odayow.
odayow  1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho.
odaytinnimo  ld odaynnimo.
oddoros1  1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona. oddoros2  1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid. oddorosid  eeg oddoros².
og  1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay.
ogaan  1. ld ogaal, ogaansho. eeg og. 2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas buu u yeelay.
ogaansho  eeg ogow. ld ogaan.
ogeys  Qof arrin gaar ah aad u yaqaan.
ogeysii  Cid xog u sheegid.
ogeysiin  eeg ogeysii. ld ogeysiis (2).
ogeysiis  1. War la rabo in cid loo sheego. 2. ld ogeysiin.
oggol1  1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed. oggol2  1. Wax aan wax diiddanayn ahaansho. 2. Wax, wax kale ka hela ahaansho. oggolaan  eeg oggol². ld oggolaansho.
oggolaansho  eeg oggolow. ld oggolaan.
oggolaysii  1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid.
oggolaysiin  eeg oggolaysii.
oggolow  Wax, wax oggolaaday noqosho.
ogog  Meel, wax iwm hareeraheeda.
ogogleh  Ku o.: wax, meel kale u dhow ahaansho.
ogoobey  Runtii; ogow!
page : 1 of 10
1 2 3 4 5 6 > >>