raajis ld raajin.
raalli 1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.
raalliggeli Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.
raalliggelin1 eeg raalliggeli. raalliggelin2 Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan. raallinimo Qof wax ka raalli ah ahaansho.
raalliyad ld raalliyo.
raalliyanimo Raalliyo ahaansho.
raalliyo R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.
raamayn eeg raamee.
raamaysasho eeg raamayso.
raamayso 1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.
raamee Wax raan u yeelid.
raamo 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
raamsasho ld raabsasho.
raamsi ld raabsasho.
raamso ld raabso.
raan 1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
raanbi Raar yar oo aqal Soomaaliga la dhex geliyo, oo la saaro weelasha si aan aboorka u cunin.
raandayn eeg raandee. ld randays.
raandays ld raandayn.
raandaysan Wax raando lagu simay ahaansho.
raandaysnaan eeg raandaysan. ld raandaysnaansho.
raandaysnaansho ld raandaysnaan.
raandee Alwaax raando ku simid.
raandhiis R. leh: waxtar raaga oo dhaxal gal ah.
raando Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
raani Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.
raaniyad ld raani.
raansow ld raasow.
page : 5 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>