sabooloobid ld saboolid.
saboolow ld sabool².
sabri Cid inay samirto gayeysiin. ld samri.
sabrid eeg sabar². ld sabburid, samrid.
sabrin eeg sabri. ld samrin.
sabsaab Qof aad u caqli yar oo aan waxba lagu aamini karin sawaab.
sabti Maalinta jimcada iyo axadda u dhexeysa.
sabtiye Qayb ciidamadii fashiistaha ka mid ahayd oo soomaaliya ka jirtey.
sabuubo Khatar; halis. ld sabuuro.
sabuul Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
sabuur Kutubkii loo soo dejiyey nabi Daa'uud.
sabuurad Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
sabuuro ld sabuubo.
sac Neef lo'ah, dheddig oo curtay.
sacab 1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
sacabbayn eeg sacabbee.
sacabbee Sacabbada wax ku qaadid.
sacabsasho egg sacabso.
sacabsato Gabar yar oo dibadda ariga ku maasha.
sacabso 1. Ilmo markaa dhashay xab ka dhuuqid. 2. Neef sacab-bada ku maalid.
sacabtumid eeg sacabtun.
sacabtun 1. Calaacalaha isku dhufasho. 2. Sacab cayaarid.
sacaf (1) Timir lafahii iyo gobortii laga gu-ray oo la cajimay.
sacaf (2) Timir sacaf ka dhigid.
sacbi ld sabci.
sacbin ld sabcin.
sacbis ld sabcin.
sacfaraan Budo hurdi ah oo wax lagu midabeeyo, waxna lagu daweeyo.
sacfid eeg sacaf².
saciim Qof wanagsan oo deeq iyo dabeecadba leh.
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>