Ereyga Maanta: aftir
sadarreysld sadarreyn.
sadax1. Wax docdooda fidsantahay oo kore. 2. ld sagxad. Baabuur, markab iwm meesha sare ee alaabta la dhigo.
sadcaal1ld socdaal¹.
sadcaal2ld socdaal².
sadcaalidld socdaalid.
saddamideeg saddan.
saddanWax galiilyo hayso noqosho.
saddaqaynld sadaqayn.
saddaqaysld sadaqayn.
saddaqaysold sadaqayso.
saddaqeeld sada-qee.
saddaqold sadaqo.
saddaysanWax siddo loo yeelay ahaansho.
saddexTirada labada iyo afarta u dhexeysa; “3”.
saddex-jibbaarane(xis.) Shaxan adke ah oo leh lix weji oo labajibbaareneyaal ah. Mugga saddexjib-baarane dhererka dhinaciisu yahay l waa l3.
saddex-madaxle(c.nafl.) Muruq saddex madax leh, gaar ahaan saddexsuullaha cududda oo ku yaal cududda xaggeeda dambe wuxuuna fidiyaa dhudhunka.
saddex-xagalShaxan saddex gees leh.
saddex-xagal dhinacyo isle'eg(xis.) Saddex-xagal leh saddex dhinac oo isle'eg iyo xagal kasta oo ka mid ah xaglihiisuna cabbirkeedu dhanyahay 60°.
saddex-xagal isma le'eke(xis.) Saddex-xagalka dhammaan dhinacyadiisa iyo xaglihiisuba aan isle'ekeen.
saddex-xagal labaale(xis.) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.
saddex-xagalley(xis.) Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.
saddexaadTirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
saddexan11. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur.
saddexan2Dheddig wax laba ilmood leh ahaansho.
saddexanyo1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.
saddexdhudoodMaro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.
saddexeeye1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iwm oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
saddexeysadld saddexeysasho.
saddexeysashoeeg saddexeyso. ld saddexeysad, saddexeysi.
saddexeysild saddexeysasho.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>