Ereyga Maanta: qawadid
turjumnaan  ld tarjumnaan.
turjumnaansho  ld tarjumnaan.
turjumo  ld tarjumo.
turjun  ld tarjun.
turmaag  T. ah: wax ama qof si toos ah oo aan dhaqaaq lahayn u taagan.
turmaagan  Wax, si toos ah oo aan dhaqdhaqaaq lahayn u taagan ahaansho.
turmaagnaan  eeg turmaagan. ld turmaagnaansho.
turmaagnaansho  ld turmaagnaan.
turniimo  ld turaal.
turniin  ld turaal.
turniinsho  ld turaal.
turqan  Wax la turqay ahaansho.
turqanaan  eeg turqan. ld turqanaansho.
turqanaansho  ld turqanaan.
turqasho  eeg turqo.
turqid  eeg turuq². ld turuq¹ (3).
turqo  Wax mudasho.
turraaxad  Maro midab leh oo sariiraha lagu goglo ama la huwado.
turub1  Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig. turub2  Turub cayaarid. turuc  ld tiric.
turug  1. Muruq. 2. Meel taag ah.
turumbo  (muus.) Bigil.
turumbuukh  Xiddig-badeed.
turunturrayn  eeg turunturree. ld turaanturrayn, turaanturro, turaanturyayn.
turunturree  Qof socda hore u ridid. ld turaanturree, turaanturyee.
turunturro  ld turunturrayn.
turunturroo  Cid socota hore u dhicid.
turunturrood  eeg turunturroo.
turuq1  1. Murqo waaweyn oo dadku yeesho. 2. Tolmo halhalluuq ah oo foolxun. 3. ld turqid.
page : 56 of 60
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >