Ereyga Maanta: maneysi
tukhuntukhayn  ld takhantakhayn.
tukhuntukhee  ld takhantakhee.
tukhuntukhi  ld takhantakhee.
tukhuntukhin  ld takhantakhayn.
tukhuntukho  ld takhantakho.
tukhuntukhoo  ld takhantakhoo.
tukhuntukhood  ld takhantakhood.
tuki  ld tuji.
tukin  ld tujin.
tuko  (dii.) Cid waajib salaad gudasho. ld duko.
tukub1  ld tukubid. tukub2  1. Nafley socod tartiib iyo tabar yari leh socosho. 2. Ku t.: ul ku luudid. tukube  Ul lagu tukubo.
tukubid  eeg tukub². ld tukub¹.
tukulush  Dabaggaalle; uunrays; soongur.
tulimaad  Waa dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale, webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.
tulimad  ld tulimaad.
tulud  Neef geel ah.
tulux1  Buro weyn oo oogada ka baxda. tulux2  (daaw.) Gal aan caadi ahayn oo ay biyo ama wax kale ka buuxaan. tulux-ugxeeye  (daaw.) Kiish biyo ka buuxaan, mid ama ka badan, oo ka dhex sameysma ugxeeyaha.
tuma  (kuwama, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.
tumaal1  1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab. tumaal2  Naag tumaal ah. tumaali  T. ah: wax gacan lagu farsameeyay (bir).
tuman  Wax la tumay ahaansho (bir, qof, xiniinyo iwm).
tumasho  eeg tumo.
tumay  1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.
tumayo  Qare la miiray gufarka ka hara.
tumbuc  Buur yar oo ciid ah.
page : 53 of 60
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>