Ereyga Maanta: qawadid
turuq2  Qalab af fiiqan wax ku mudid. turxaan  Iin; cillad.
turxaanbixin  Xumobixin, cilladbixin.
tus1  Humri kulul oo dhaca waqtiga kulaylaha; hogo. tus2  1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid. tusaal-kalgalka  (kiim.) Tuse muujinaya curiyeyaasha oo u habaysan hannaan ku salaysan korodhka tirada borotonnada si loo arko xiriirka dhaqanka kiimikaad ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
tusaalayn  eeg tusaalee. ld tusaalays.
tusaalays  ld tusaalayn.
tusaale  Matal; masal; misaal. ld tusaalo.
tusaalee  1. Cid talo u jeedin. 2. Cid wax uga digid.
tusaalo  ld tusaale.
tusbax  (dii.) Iniino ka samaysan kuul ama qori oo dhexda ka daloola o dhuun iskula taxan oo lagu werdiyo.
tusid  eeg tus².
tusmayn  eeg tusmee.
tusmaysan  Wax la tusmeeyay ahaansho.
tusmaysnaan  eeg tusmaysan. ld tusmaysnaansho.
tusmaysnaansho  ld tusmaysnaan.
tusmee  1. Wax tusmo u yeelid. 2. Buug tusmo u samayn.
tusmo  1. Hab reer miyigu u dego meel cusub. 2. Calaamad la dhigo meel la degi rabo. 3. Taxanaha cinwaanada buug.
tuu  Juu!. ld tu'(2).
tuubbo  Qalab dhuuban oo dhexda ka daloola oo dareeraha,hawada iwm ay maraan.
tuud  Heen.
tuudi  1. Hal la rabo in la ogaado in ay rimantahay foori ugu yeerid. 2. Laf heen ka bixin.
tuudin  eeg tuudi. ld tuudis.
tuudis  ld tuudin.
tuudsasho  eeg tuudso. ld tuudsi.
tuudsi  ld tuudsasho.
tuudso  Lafo iwm tuud kala bixid.
tuug1  (tuug, m.dh) Nin wax xadid caadaystay. tuug2  Wax baryo lagu keenay.
page : 57 of 60
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >