Ereyga Maanta: maneysi
tumbul1  Nooc geed-saarka ka mid ah oo udgoon. tumbul2  Dad ama xoolo aan badnayn oo meel tuuran. tumbur  Wax tumburo ku dhufasho. ld tumburyee.
tumburi  (muus.) Shareero.
tumburid  eeg tumbur. ld tumburyeyn.
tumburo  Gacanta faraheeda oo duuban oo hoos wax loogu dhufto. ld tumburyo.
tumburyee  ld tumbur.
tumburyeyn  ld tumburid.
tumburyo  ld tumburo.
tumid  eeg tun².
tummaati1  Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah. tummaati2  Waran, mindi iwm iyadoo daabka la haysto qof ku mudid. tummaatiyid  eeg tummaati².
tummun  Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.
tumnaan  eeg tuman. ld tumnaansho.
tumnaansho  ld tumnaan.
tumo  1. (f.g) Bir qalab ka samaysasho. 2. (f.mg) Wan dhufanan ka dhigaasho. 3. (f.mg) Qof wuxuu jecelyahay ku raaxaysasho. 4. (f.mg) Ku t.: qof korkii ama wax kale ku durdurin, ku baabbacayn; cagaha la dhicid.
tumun  Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; fallar. Tus. “T. kiilo bariis ah”. ld tummun.
tumuujayn  eeg tumuujee. ld tumuujo.
tumuujee  Cid tantoomo la dhicid.
tumuujo  ld tumuujayn.
tun1  Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda. tun2  1. Badar iwm buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid. tundura  (juqr.) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
tunjileec  Tabar darro cid lagu dareemay oo lagu haadsado.
tunjileecsasho  eeg tunjileecso. ld tunjileecsi.
tunjileecsi  ld tunjileecsasho.
tunjileecso  Cid tabardaran maagid.
tunsii  Ku t.: ku tumasho.
tunsiin  eeg tunsii.
page : 54 of 60
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>