tuug3 Wax baryid; yaboohsasho. tuugannimo Tuug ahaansho. ld tuugnimo.
tuugid eeg tuug². ld tuugmo.
tuugmo ld tuugid.
tuugnimo Tuug ahaansho. ld tuugannimo.
tuugo 1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.
tuugsad ld tuugsasho.
tuugsasho eeg tuugso. ld tuugsad, tuugsi.
tuugsi ld tuugsasho.
tuugso Cid sadaqo weyddiisasho.
tuugtamid eeg tuugtan². ld tuugtan¹.
tuugtan1 ld tuugtamid. tuugtan2 Si aad ah wax u baryid. tuuji 1. Wax jilicsan oo diismaya calaacasha iyo faraha ku dhuujin si dheecaan iwm looga keeno. 2. Ooga bugta ama daallan daliigid ama rixid.
tuujin eeg tuuji.
tuujis (c.nafl.) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
tuul1 ld tuur¹. tuul2 ld tuur³. tuulan ld tuuran.
tuulid ld tuurid.
tuulimaad 1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jool.) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tus. “Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh”.
tuulimaad-badeed (jool.) Tuulimadyada la dhigo meelaha bad weynnada ama harooyinka guntooda badweynnada ugu hooseeya,waxyaabaha la tuulay asalkoodi waxay ka yimaadeen haraayaal yaryar oo ka haray noole hore ugu oolaan jiray qaybtaa badda ama harada ee uu ka dhacay tuulimaadku.
tuulimaad-mool (jool.) Maatarka adag ee daboola gebiska gobolka ugu hooseeya ee badda.
tuulnaan ld tuurnaan.
tuulnaansho ld tuurnaan.
tuulo Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
tuumi Wax meel ku uruurin.
tuumin eeg tuumi. ld tuumis.
tuumis ld tuumin.
tuunsamid eeg tuunsan¹.
page : 58 of 60
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 >