Ereyga Maanta: qawadid
taabbaggud2  Wax meel marid. taabbaggudi  Wax meel marin.
taabbaggudid  eeg taabbaggud². ld taabbaggud¹.
taabbaggudin  eeg taabbaggudi.
taabbaqaad  1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.
taabbaqaadid  eeg taabbaqaad.
taabicid  eeg taabac². ld taabac¹.
taabid  eeg taab². ld taab¹ (4).
taabo  1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.
taabsii  Gacan aayar wax u saarid.
taabsiin  eeg taabsii. ld taabsiis.
taabsiis  ld taabsiin.
taabuul  (muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
taacug  Geed yar oo ubax qurux badan leh.
taada1  Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”. taada2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay warqaddan”. ld taa³. taadhisaar1  Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya. taadhisaar2  Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid. taadhisaarid  eeg taadhisaar².
taag  1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
taag1  1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro. taag2  1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho. taag-dhuleed  (juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
taagan  1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho.
taagdaran  Qof tabar yar ahaansho.
taagdarnaan  eeg taagdaran. ld taagdarnaansho, taagdarni, taagdarno.
taagdarnaansho  ld taagdarnaan.
taagdarni  ld taagdarnaan.
taagdarno  ld taagdarnaan.
taagdarree  Tabar yarayn (cid).
page : 2 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>