Ereyga Maanta: qawadid
taagdarreyn  eeg taagdarree.
taageer  Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.
taageere  Qof wax ayida ama taageera; ayidsane. ld teegaare.
taageerid  eeg taageer. ld taageero, teegaarid, teegaaro.
taageero  ld taageerid.
taagid  eeg taag².
taagnaan  eeg taagan. ld taag-naansho.
taagnaansho  ld taagnaan.
taago  Dhul yara sarreeya. ld taag (2).
taagsad  ld taagsasho.
taagsasho  eeg taagso. ld taagsad, taagsi.
taagsi  ld taagsasho.
taagso  1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
taah1  Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa. taah2  Taah samayn. taahid  eeg taah².
taaj  Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.
taaj-belel  (c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.
taaji  Qof ama wax meel istaajin.
taajin  eeg taaji. ld taajis.
taajir1  T. ah: qof maal ama hanti badan leh. taajir2  Maal badan yeelasho. taajirid  eeg taajir².
taajirnimo  Faajir ahaansho.
taajis  ld taajin.
taakalleel  Tallan; wiswis; shaki.
taakee  1. Wax taako ku cabbirid. 2. Wax taako u dhigid. ld taaki.
taakeyn  eeg taakee. ld taakin.
taakh  Wax qof waqti ka lumiya ama seejiya faa'ido; luggooyo.
taaki  ld taakee.
page : 3 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>