taas1 (kuwaas, w) ld taa¹. taas2 Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa². taawe ld taawo¹ (1).
taawi 1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. ld taawil.
taawil ld taawi.
taawilid ld taawin.
taawin eeg taawi. ld taawilid, taawo².
taawo1 1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela. taawo2 ld taawin. taayada1 (kuwayaga, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Taayada lama taaban ka-ro”. taayada2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo². taayar Lugaha baabuurta.
taayo ld taayada².
tab 1. Xeelad wax lagu qabto. 2. Hab; nidaam; qaab. 3. Caano lo'aad oo caloosha ku adkaada oo aan si fiican loo matagi karin.
tabaabulayn eeg tabaabulee. ld tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn.
tabaabulo ld tabaabulayn.
tabaabulshayn ld tabaabuleyn.
tabaabulshee ld tabaabulee.
tabaabulyayn ld tabaabulayn.
tabaabulyee ld tabaabulee.
tabaabulyo ld tabaabulayn.
tabaabulyo tabaabulee Wax qabanqaabin ama agaasimid. ld tabaabu-shee, tabaabulyee, tabaabushee.
tabaabushayn ld tabaabulayn.
tabaabushee ld tabaabulee.
tabaabusho ld tabaabulayn.
tabaadi Neef buuran, cayilan, shilis.
tabaako ld tubaako.
tabaalac1 Daal badan. tabaalac2 Socod badan daal kala kulmid. tabaalacsan Wax tabaalac hayo ahaansho (cid).
page : 6 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>