Ereyga Maanta: qawadid
taakin  ld taakeyn.
taakiso  Jaad diir diirta ka mid ah oo la moodo markay soconayso inay wax taakinayso.
taako  1. Cabbiraadda suulka gacanta iyo fardhexaadda oo fidsan u dhexeysa. 2. Wax, wax kale lagu hakiyo.
taakul  Cid kaalmo siin. ld taakulee.
taakulayn  ld taakulid.
taakulee  ld taakul.
taakulid  taakul. ld taakulayn, taakulo.
taakulo  ld taakulid.
taalaasemiiya  (daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.
taallaquf  Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).
taallaqufid  eeg taallaquf.
taallatiriyaad  Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.
taallaxusuuseed  Taallo wax lagu xusuusto.
taallayn  eeg taallee.
taallee  Wax isku kor tubid.
taallo  1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.
taaloog1  Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda. taaloog2  Diillin ballaaran oo qurxoon, jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda ka muujin iyadoo timaha la xiirayo. taaloogan  Wax taaloog leh ahaansho (qof).
taaloogasho  eeg taaloogo.
taaloogid  eeg taaloog².
taaloognaan  eeg taaloogan. ld taa-loognaansho.
taaloognaansho  ld taaloognaan.
taaloogo  Taaloog samaysasho (qof).
taam  T. ah: wax kaamil ah oo aan wax ka maqnayn.
taambuug  Teendho.
taamid  eeg taan.
taamyeel  Wax dhammaystirid.
taamyeelid  eeg taamyeel.
taan  Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
page : 4 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>