taangi 1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.
taani T. ah: qof laf iyo xoog leh.
taano Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.
taaqo Tabar; awood.
taaqtir Waran weyn, bir dheer oo adag dhexda ku leh.
taar1 1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah. taar2 Rati raran oo taagan wax saarid. taarad ld taarasho.
taaran Alaab wax la saaray ahaansho.
taarash1 1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo. taarash2 Maro tarash u yeelid. ld tarash². taarashid eeg taarash². ld tarashid.
taarasho eeg taaro. ld taarad.
taarid eeg taar².
taarig Qof muslim ah oo aan salaadda tukan.
taariifo Qaymaha badeecadda loo gooyo oo lagu gado.
taariikh 1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.
taariikh-nololeed Taariikh nololeed qof ee uu qorey qof kale.
taariikhdii hore 1. (taar.) Waqtigii taarikh bani-aadamka ee hore intii aan jirin wax qoraal ah. 2. Barashada taarikhda waqtigaa, gaar ahaan qodista wixii haraa ah. 3. (taar.) Taarikhada xilliigii hore.
taariikhee 1. (f.g) Wax taariikh u yeelid. 2. (f.mg) Ka t.: wax ka sheekayn.
taariikheyn eeg taariikhee.
taariikhi T. ah: taariikhgal ah.
taariikhqore Qofta taariikhda qora.
taariikhyahan Qof taariikhda si fiican u yaqaan.
taarikhda casriga ah Taarikhada casriga ee jirta waqtigan.
taarnaan eeg taaran. ld taarnaansho.
taarnaansho ld taarnaan.
taaro 1. Rati raran oo taagan wax saarasho. 2. Qof kaalmayn.
taarsuus (c.nafl.) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.
taarwale Qof taarka dira ama qabta.
page : 5 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>