Ereyga Maanta: hirqad
x  (xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
xaab1   1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun. xaab2  1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid. xaabayn  eeg xaabee.
xaabee  Qoryo la shito ururin.
xaabi  1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.
xaabid  ld xaabsasho.
xaabsasho  eeg xaabso. ld xaabsad, xaabsi.
xaabsi  ld xaabsasho.
xaabso  Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.
xaad  Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
xaadi  Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
xaadin  eeg xaadi.
xaadir1  1. Meel joogid (qof); jooge. 2. Haatan. xaadir2  Qof meel ku sugnaan ama tegid. xaadiri  Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin.
xaadirid  eeg xaadir².
xaadirin  eeg xaadiri. ld xaadiiris.
xaadiris  ld xaadirin.
xaadirsan  Wax la xaadiriyey ahaansho.
xaadirsanaan  eeg xaadirsan. ld xaadirsanaansho.
xaadirsanaansho  ld xaadirsanaan.
xaadsasho  eeg xaadso.
xaadso  Ul, qori iwm sulub ka dhigasho.
xaafad  Qaybaha magaalo u qaybsan tahay mid ka mid ah oo degmo ka yar.
xaafood  Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.
xaajaggal  X. ah: nin wax garad ah oo xaajo murugtay ka garnaqa.
xaajayaqaan  Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.
xaajeysad  ld xaajeysasho.
xaajeyso  1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho.
page : 1 of 60
1 2 3 4 5 6 > >>