Ereyga Maanta: qawadid
yaboohid  eeg yabooh². ld yabooh¹ (2).
yaboohin  eeg yaboohi. ld yaboohis.
yaboohis  ld yaboohin.
yaboohsad  ld yaboohsasho.
yaboohsasho  eeg yaboohso. ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohsi  ld yaboohsasho.
yaboohso  Qof cayr ah cid baryid.
yabqid  eeg yabaq². ld jabqid.
yac1  Sagaarada teeda dheddig. yac2  Ka joog! Daa! yacarun  ld carun.
yacay1  Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol. yacay2  Guri yacay dhigid. yacayan  Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacayid  eeg yacay².
yacaynaan  eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho  ld yacaynaan.
yacni  Waxaa loola jeedaa.
yacyacood  1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad1  1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹. yad2  1. Cid ama wax gacan wax ku yeelid. 2. Gacan wax ku dhigid. 3. ld yad 2. U y.: cid wax siin. 4. Ku y.: cid gacan wax ku yeelid. yadan  Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
yadid  eeg yad².
yagcar  (bot.) Geedka mayddiga dhalo.
yagleel1  ld yagleelid. yagleel2  1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid. yagleelid  eeg yagleel². ld yagleel¹.
yah  Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
yahaabur  Y. ah: qof lixaad weyn.
yahaaburnimo  Yahaabur ahaansho.
page : 3 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>