yaanbo 1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.
yaanyo (bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
yaanyuur basho; bisad; dinnad; dummad; mukulaal;
yaaq (bot.) Geed dheer oo aad iyo aad u sal iyo jirrid iyo dhex weyn: mayraxdiisa waxaa laga sameeyaa xargo iyo waxyaalo kale; mirihiisu waxay leeyihiin qaabka qulucda, buruq la cunana waa leeyihiin.
yaaqil Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.
yaaquud Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
yaar1 ld jaar(2). yaar2 Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin. yaardi Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 mitir (Meter).
yaare 1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
yaarid eeg yaar².
yaasiinmaddoone eeg Marsoobax.
yaaw Leber laba loo dhigay middood.
yabaal1 1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaal2 Magoolid (geed). yabaalid eeg yabaal². ld yabaal¹ (2).
yabaaq ld yabaq¹.
yabadhaalo Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.
yabaq1 Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. yabaq2 Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². yabar Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
yabarayn eeg yabaree.
yabaree Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).
yabaro Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
yablas1 Qaylo badan. yablas2 Qaylo badan samayn. yablasid eeg yablas².
yabooh1 1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yabooh2 1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin. yaboohi 1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
page : 2 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>