arag

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.
  2. 1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

muuqaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Muug. 2. Waxa la daawado oo dhan sida filinka, masraxiyadda iwm.
  2. (nax.) Qaab muujinaya habdhaca falka oo la xiriira muddada dheer ama gaaban ee falku dhacayo iyo dhammaadshihiisa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fiirin

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg fiiri.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur