qayb

Qaabnax: Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb

Macnaha:

  1. Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.
  2. 1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah.
  3. (nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.
  4. Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.
  5. Wax kor ka barasha.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

in

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.
  2. 1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.
  2. 1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur